Saturday, October 25, 2014

Hab dhaqan wanaaga bulshada soomaaliyeed ee gobolada qaar

Soomaalida waa dad hal qoomiyad ah kuna hadla hal luuqad lehna dhaqan u gaar ah 
kuna saleeesan diintooda islaamka ah.

waxan u kuur galay magaallo ka mid ah magaalooyinka soomaliyeed oo aan wax ku soo bartay waxbarashadeydii jaamacadeed oo lagu magacaaabo magaalada barwaaqada magaalada nabada

Borameee ku magac dheertahay waxeena  kuna taalaa gobolka Awdal.

Borama waa magaallo nolosheyda aan aad uga hellay balse dad badan oo asxaabteeda ka mid ah 
ku adkaatay inee ku noolaadaan taas oo ugu wacan dhanka cimilada aadka u qabow.
aniga ahan waxan is oran karaa waa magaaladii iigu qabowga badneyd ee aan tago intan xasuusto

waa magaallo nolosheyda aad u wanaagsan dhanka nolosha bini aadmiga sidoo kale waa
magaallo buuraley ah dhinacyadeeda dhami ku hareereesan yihiin buuro magacyo kala duwan leh inkastoo hada anan hore u xusin balse waxa ka mid ah buurta sawa iyo ilik dheer dadka magaladaasi dagan ama kunool waa dad jecel dadnimada iyo hormarka dadka walaalahood ah sido klena jecel midowga iyo mid ahaanshaha soomaalidoo idil meelkasta oo ay ku noolyihiin.

intii aan magaaladaas ku noolaa waxaa isoo jiitay ama i xiiso galiyey waa qalbi fiyoobida
dadka degaankaas ku nool ee u hayaan dhamaan dadka walaalahood ah ee soomaaliyeed dadka qaar waxee xasuustaan hal arin oo loo sameeyey oo dhanka wanaga ah balse aniga waxaan ka mid ahaa dad fara kutiris ah ee xasuusta arinta wada saameeneesa dhamaan soomalida oo aan ilobin naxariista guud taasi micnaheeda maahan inan ilaaway arimaha qaaska ah ee dadka magaaladaasi ku nool ee ii sameeyeen oo dhanka nolosha ah ama daris wanaaga ah xaqiiqdii  mane ilaawi karo marnaba soo dhaweynteydii iyo sii sagootinteydii intaba.

hadaba aqriste maxad is leedahay bulsho ama dad ku nool hal deegaan waa ay ku hormari karaan  dhan kasta iyagoo ka weecanaya qabyaalad iyo xuduudaha dhanka maamulada una weecanaya dadnimada sharafta iyo qiimaha dhaman soomaalida geeska africa.

fadlan fikir saliim ah ka dhiibo adigoo mahadsan.

1 comment:

  1. fikirkaaga wanagsan waxaa lagu soo bandhigi doonaa page kan

    ReplyDelete